Home Wararka caalamka Dalka Pakistan Musharax Barlamaan iyo Xubno kale oo lagu layahay Qarax ka...

Dalka Pakistan Musharax Barlamaan iyo Xubno kale oo lagu layahay Qarax ka dhacay Halkaasi..

0
SHARE

Qarax lagaga shakiyey inuu yahay mid ismiidaamineed ayaa xalay ka dhacay goob dad doorashooyinka u ololeynayaa ay iskugu soo baxeen.

Qaraxan oo ka dhacay woqooyi galbeed dalka Pakistan ayaa dilay ugu yaraan 14 qof oo uu ku jiro murashax baarlamaanka gobolka ah. Qaraxa ayaa sidoo kale dhaawacay 45 kale.

Bambada ayaa ku qaraxday bartamaha magaalada Peshawar oo ah xarunta gobolka Khyber Pakhtunkhaw, markaasoo Haroon Bilour oo ah sarkaalka la dilay uu u sii socday goobtii uu kula hadli lahaa taageerayaashiisa xisbiga calmaaniga ah ee Awami National Party oo loo soo gaabiyo ANP.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, kaas oo yimid labo toddobaad ka hor xiliga dalkaas Pakistan uu qabsan doono doorashooyinka qaran iyo kuwa baarlamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here