Home Wararka Maanta Masuuliyiintii lagu Wayay Xatooyo Xoolo Dadwayne oo ugu Danbayn Xabsiga laga Sii...

Masuuliyiintii lagu Wayay Xatooyo Xoolo Dadwayne oo ugu Danbayn Xabsiga laga Sii Daayay

0

Waxaa galabta xabsigii ay ku xirnaayeen laga sii daayay masuuliyiin iyo saraakiil katirsanaa hay’adaha dowladda, kuwaa oo dhawwaan maxkamadda gobolka Banaadir ku weysay dambiyo la xariiray musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Masuuliyiinta maanta xabsiga laga sii daayay ayaa waxaa ku jira agaasimayaashii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo saraakiil kale oo katirsan bangiga dhaxe iyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uu qoray warqada fasaxa masuuliyiinta dambiga lagu waayay , waxa ayna xubnahan caawa iyaga oo xur ah la hoyanayaan qoysaskooda.

Sii deynta masuuliyiintan dambiga lagu waayay ayaa imaaneysa xilli Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu shalay racfaan ka qaatay xukunkii masuuliyiintan Khamiistii ku riday maxkamadda gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Ka Dhacay Duleedka Galdogob ee Gobalka Mudug
Next articleKumuu ahaa Xaaji Cali Ugaas Cabdulle oo maanta lagu aasay Muqdisho oo Madax Badan ka Tacsiyaysay Geeridiisa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here