Home Wararka Maanta Isimadda dhaqanka ee gobalada SSC oo Jawaab Adag Siiyay Muuse Biixi Hadal...

Isimadda dhaqanka ee gobalada SSC oo Jawaab Adag Siiyay Muuse Biixi Hadal Kasoo Yeeray Shalay

0

Isimadda dhaqanka ee gobalada SSC ee ku shirsan magaalada Laascaanood ayaa ka jawaabay hadalkii M/weynaha Somaliland ee ahaa in Argagixiso saameyn ku leedahay xaalka Laascaanood.

Isimadda ayaa warkaas kusifeeyey been abuur, SL ayay ku eedeeyeen in ay iyadu la shaqeysato Argagixisada ayna isku shabakad yihiin.

Beesha Caalamka ayay sheegeen in la gaaray xiligii isla xisaabtanka, dawladdaha Taakulada siiya ciidanka SL ayay sheegeen in ay ogsoon yihiin, balse dhibkii hore aysan kusii wadin, haddii kale laga xisaabtami doono.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Isimka guud ayaa sheegay in aysan marnaba ogolaaneyn in deegaanadooda laga maamulo goobo kale, ayna u fadhiyaan aayahooda oo ay ka tashanayaan.

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Shaaciyay Qorshe looga Hortagaayo Qaraxyada Kadib Weerarki Xarunta Gobalka Banaadir
Next articleCiidamadii Kusugnaa Gobalka Oo loo Daabulaayo Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here