Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Maxuu ka yiri Weerarkii Xasan Sheikh Lagu qaaday

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Maxuu ka yiri Weerarkii Xasan Sheikh Lagu qaaday

0

Taliyaha ciidanka asluubta ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay sababta keentay inay isku dhacaan qaar kamid ah ciidanka asluubta iyo ilaala la socotay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid lama filaan ah oo aysan ku talo gal ahayn.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidanka asluubta ay ku khaldameen ciidamada la socday madaxweynihii hore ee dalka oo wadada marayay taas oo uu raali gelin ka bixiyay.

Ma jiraan wax khasaara ah oo ka dhashay rasaasta lagu furay kolonyada Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo Lagu risaaseeyay Muqdisho
Next articleMadaxweynaha Puntaland oo soo Gudbiyay Magacyada xubnaha Guddiga Doorashooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here