Home Wararka Maanta Hadalkii Ilhaan Cumar ee xiisadda badda oo Xiisad ka Abuuray Maraykanka

Hadalkii Ilhaan Cumar ee xiisadda badda oo Xiisad ka Abuuray Maraykanka

0

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa dhawaan si adag uga hadashay xad-gudubka Itoobiya ay kula kacday Soomaaliya, ee salka ku haysa in Itoobiya ay biyaha Soomaaliya ka hesho dhul badeed.

“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan,” ayey tiri Ilhaan. Arrintaan ayaa dood xooggan ka dhalisay gudaha dalka Mareykanka.

Hadalkaan oo Ilhaan ay garab istaag ugu muujinaysay Soomaaliya ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay dad ay ku jiraan masuuliyiin, kuwaasi oo tilmaamay inay danaha Soomaaliya ka hormarisay kuwa Mareykanka, ee dadkiisa soo doorteen.

Xildhibaan Tom Emmer oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Ilhaan Cumar inay is casisho, isagoo ku dooday in arrintaan ka hor imaaneyso dhaarteedii xafiiska.

“Hadallada carada leh ee Ilhaan Cumar ee Soomaaliya ay muhiimadda ku siisay waxay dharbaaxo wejiga looga dhuftay ku yihiin dadka Minnesota ee iyada loogu doortay inay u adeegto waxayna carqaladeyn toos ah ku yihiin dhaarteeda xafiiska,” ayuu yiri xildhibaan Tom Emmer oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa inay ceeb darteed isu casishaa.”

Sidoo kale Xildhibaan Marjorie Taylor Greene oo iyadana xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ayaa Ilhaan Cumar ku weerartay arrintaan

Waxay ku eedeysay inay wacad ku martay difaaca xudduudaha Soomaaliya halka ay kasoo horjeesatay dadaallada lagu ilaalinayo xadka Mareykanka iyo Mexico.

Si kastaba, Heshiiska ay Ilhaan sida adag uga hortimid ayaa waxaa horey meel adag iska taagtay dowladda Mareykanka, ayada oo laaday is-afgaradka lagu gaaray Addis Ababa, islamarkaana xoojisay ixtiraamka madax-banaanida Soomaaliya.
Ad
Previous articleDowladda Mareykanka oo markale taageero u muujisay dowladda Soomaaliya
Next article14 Website oo kooxda Al-Shabaab lahayd oo Dibada laga Soo Xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here