Home Wararka Maanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo laga deyriyey iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo laga deyriyey iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ballan qaaday in talaabo laga qaadi doono “xadgudubyada safiirada”

0

“Dhibaatada wasaaradda haysata way buux dhaaftay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) oo ka hadlayey kulan maanta ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa oo ay lahaayeen Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waxa uu xildhibaanku walaac ka muujiyey tirada safaaradaha iyo dadka ka shaqeeya oo badan iyo sidoo kale shaqada la qabto oo hooseysa sida uu ku dhaliilay wasaaradda.

Isaga oo tusaale usoo qaadanaya ayuu xildhibaan Cabdisalaan xusay meel ay saddex qof kaga shaqeyn jireen xilligii dowladdi hore balse hadda ay 16 qof ka shaqayso, “annaga oo saddex ah oo weliba markii dambe midi tagey meeshii aan ka shaqeyn jirnay ayaan tagey, 16 qof ayaa ka shaqeysa,” ayuu yiri.

Dhalliilaha uu soo jeediyay xildhibaanku waxaa ka mid ah in dalal aan “waxba ka dhaxayn” Soomaaliya safaarado laga furtay.

Wasiir wasaaradda Arrimaha Dibadda, Abshir Cumar Huruuse oo ka jawaabayey su’aalo la weydiiyay ayaa dhankiisa qirtay cabashooyinka ka jira safaaradah Soomaaliya, ” Waan ognahay cabashooyinka ka taagan safaaradaha iyo xad-gudubka safiirada talaabo ayaana ka qaadeynaa”. ayuu yiri wasiir Haruuse.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loo Gaystay Daahir Maxamed Kaanti
Next articleWoqooyiga Kuuriya oo gantaallo kaga jawaabtay tallaabo uu Maraykanku qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here