Home Wararka Maanta Shir lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amnigeeda Qaran...

Shir lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amnigeeda Qaran oo Muqdisho ka furmay (Sawiro)

0

Muqdisho, December 08, 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo ay wehelinayeen Wasiirrada Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska, ayaa furay shir lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amniga Dalka (STP SSC).

Shirkan lagu hawl-gelinayey Guddiga, oo ay ka soo qayb galeen xubno ka kala socday hay’adaha qaabbilsan amniga dalka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xafiisyada Sarsare ee Dalka, ayaa labada maalmood ee uu socdo waxaa looga hadli doonaa sidii Soomaaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, iyada oo sidoo kale Shirkan lagu lafa-gurayo qiimaynta waayo aragnimadii laga bartay iyo horumarradii laga gaarey qaybihii hore Qorshihii Amniga Soomaaliya (STP), lagu na dhisayo qorshe midaysan oo Soomaaliya dhakhso ugu jihaynaya tubta dhammays-tirka la wareegidda Amnigeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo khudbad ka jeediyey furitaanka Manaasabadda ayaa Guddiga kula dardaarmay mas’uuliyaddooda Qaran, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay shaqada Guddiga laga sugayo iyo qorsheyaasha horyaalla.

“Hawl-gelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goobta looga doodaayo, laga na jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda Amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kale na aad soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan.”

Intii ay munaasabaddu socotay mas’uuliyiintii kale ee kalmedaha ka jeediyey Shirka ayaa sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay muhiimadda ay leedahay fulinta qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo aan marna la aqbalayn qorsheyaal kale oo aan ku dhisnayn rabitaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashada Soomaaliland oo bilaabay Diiwaan galinta Odayaasha Soo xulaya Ergada (Sawiro)
Next articleWafdi uu Hogaaminayo Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo Jabuuti gaaray (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here