Home wararka Dalka Khayre Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Guddiga Dhaqaalaha Dalka (Sawiro)

Khayre Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Guddiga Dhaqaalaha Dalka (Sawiro)

0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee guddiga dhaqaalaha dalka oo looga hadlay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, dhismaha golaha dhaqaalaha, Sharciga iibka, sharciga canshuuraha, qaadista canshuurta berriga iyo maaraynta maaliyadda.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamaystirka tubta horumarinta dhaqaalaha iyo qorshaha lala tegayo shirka Brussels oo dhawaan uu ka qeyb gelayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here