Home Wararka Somaliya Xildhibaano ku baaqay in La difaaco Saadaq Joon Dagaalna ku baaqay

Xildhibaano ku baaqay in La difaaco Saadaq Joon Dagaalna ku baaqay

0

MD farmaajo ayaa amar ku bixiyey in weerar toos ah lagu qaado saadaq joon taliyihii hore booliska Gobolka banaadir kaas oo caawa saldhigtey Xaafadda Shiirkolle ee Degmadda Hodan halkaas oo uu ka wado abaabul dagaal.

Xildhibaan Mahad salad ayaa xaqiijiyey in weerarkaas la amrey inuu fuliyo Taliyaha ciidamada lugta ee milatriga soomaaliya General biixi.

Mahad salaad ayaa yiri ” Farmaajo caawa wuxuu u diray Gen Biixi oo ilmo adeer ay yihiin in uu weerar ku qaado Gen Saadaq Joon. Dagaal qabiilaysan weeye waxa caawa uu hurinayo Farmaajo. Waxaan ugu baaqayaa qaraabada in la iska difaaco Farmaajo iyo qowleysatada la socota. Saadaqna dhexdeena aysan kala bixin Farmaajo iyo ina adeerkiis Biixi.

Saraakiil kale oo ku jira dowladda ayaa iyana maalmaha soo socda kala cadeyndoona Mawqifkooda ku aadan in ay garabsiiyaan midawga Musharixiinta iyo in ay difaacaan qadiyadda Farmaajo.

Ad
Previous articleCabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo sheegay in Dalka uu galay Xaalad Hogaamiye kooxeed
Next articleDowladda Soomaaliya oo jawaab Deg Deg ah udirtay Beesha Caalamka (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here