Home Wararka Maanta Imran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah

Imran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa maanta lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, wax ka yar laba toddobaad kahor inta aanay dalka ka dhicin doorasho laga xanibay xisbigiisa.

Pakistan ayaa goobaha codbixinta la aadayaa Khamiista toddobaadka dambe, doorashadaas oo ay hareeyeen eedeymo ku saabsan ku shubasho, ayada oo Khan oo laga mamnuucay, sidoo kalena xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) lagu sameeyey cuburin xooggan.

Khan ayaa kahor doorashada ku jira xabsi waxaana hareeyey kiisas maxkamadeed oo uu sheegay in looga dan leeyahay in looga hor-istaago inuu mar kale tartamo kadib markii uu ka horyimid militariga awodda badan.

Khan ayaa waxaa mar horeba la xukmiyey in aanu u istaagi karin doorashada 8-da Febraayo, sababo la xiriira dambi la xiriira musuq-maasuq oo ay maxkamad ku heshay sanadkii tegay.

Xukunka Talaadada maanta ah, oo la xiriira inuu dokumentiyo dowladeed oo sir ah dusiyey, ayaa waxa uu ka dhacay gudaha xabsiga Adiala — halkaasi oo Khan uu ku jiray inta badan tan iyo markii la xiray August.

“Waa inaad codkiina uga aargudataan caddaalad darro kasta 8-da Febraayo,” ayuu Khan ku yiri bayaan lasoo dhigay bartiisa X oo ku socda cod bixiyayaasha.

Xukun la mid ah kan Khan ayaa waxaa sidoo kale lagu riday Shah Mahmood Qureshi, guddoomiye ku-xigeenka xisbiga PTI, kaasi oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda afartii sano ee Imran Khan uu ra’iisul wasaare ahaa kahor inta aan xukunka laga tuurin 2022.

Xukunka ayaa waxaa xaqiijiyey saraakiisha xisbiga.

“Waxa aan maanta aragnay waxay ahaayeen jees-jees buuxa oo lagu sameeyey sharciga billowgiiba,” waxaa sidaas tiri gabadha Qureshi oo lagu magacaabo Gauhar Bano Qureshi oo ka hadashay banaanka xabsiga.

“Goorma ayaa caddaalad lagu heli doonaa dalkan?” ayey tiri.
Qareenada PTI ayaa maxkamadda ku tilmaamay mid been abuur ah, iyagoo sheegay in laga saaray dacwaddii, loona diiday hogaamiyayaashooda inay helaan matalaad.

“Tani waa mid aan dastuuri ahayn, tani waxay ka soo horjeedaa mabaadi’da cadaaladda ee dabiiciga ah,” Barister Salman Safdar ayaa sidaas ayaa u sheegay AFP.

Ad
Previous articleMaxay u taagan yihiin calaamadaha ay isticmaalayeen taageerayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle
Next articleDeni oo shaaciyey go’aanka DF ee ka qeyb-galka gogoshii ay dhigtay Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here