Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.

Madaxwaynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doona madasha oo socon doonta inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023.

Sida ay xogta ku heleyno inta badan dalalka Mudowga Yurub ayaa taageero iyo inay dagaalka ku garab istaagayaan u balan qaaday dowladda Soomaaliya oo ka mid ah dalalka soo koraya ee ku casuuman shirkaas.

Dowladda Soomaaliya oo taageero badan ka hesha qaar kamid ah dalalka ku bahoobay ururka Midowga Yurub ayaa hadda xoogga saareysa in dagaalka Al-Shabaab ay u hesho diyaarado duqeeya kooxda, maadaama culeyska dagaal ee dhanka hawada lagu kordhinayo Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay heshay xogta qorshaha culus ee dowladda Soomaaliya ay ka damacsan tahay dagaalka ay kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab oo hadda meel dhexe maraya, isla markaana la doonayo in bilaha soo socda Galmudug iyo Hirshabeelle laga nadiifiyo kooxda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalin ka hor ka guuray Dhuusamareeb ayaa la go’aamiyey inuu dib ugu soo laabto Galmudug maalmo kadib, sidoo kale Mahad Salaad oo ku maqan dalka dibadiisa ayaa ku laabanaya Dhuusamareeb.

Xog aan aan Helnay ayaa Sheegaysa dowladdu waxay qorsheysay in dagaalka xoogiisa loo jiheeyo dhanka duqeymaha, iyadoo la dejiyey qorshe dhameystiran.

Dowladdu waxay qorsheysay in saldhigga duqeymaha diyaaradaha laga dhigo magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas waxaa lagu rakibayaa qalabka laga hago diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Shabaab duqey doona.

Hadii uu hirgalo qorshaha qalabka looga rakibayo Buuloburde, waxaa la sheegay inay u fududaa doonto in diyaaradaha dagaalka ay gaari doonaan ilaa koonfuta gobolka Mudug oo hadda kooxdu ay aad uga dagaalameyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku laabanaya furinta Galgaduud, markii uu ka soo laabto safarkaan uu ku tegayo magaalada Brussels ee dalka Belgium, sidoo kale Taliyaha NISA Mahad Salaad oo laf-dhabar u ah qorshaha dagaal ee dalka ka socda ayaa isna aadi doona furinta.

Waxaa la dardar geli doonaa howlgallo dhanka cirka ah, waxaana si joogto ah diyaaradaha dagaalka loogu beegsa doonaa kooxda Al-Shabaab, taas oo la aaminsan yahay inay deg deg u wiiqi doonto awooda kooxda.

Waxaa la sheegay in hadda diyaaradaha ka soo kaca Muqdisho ilaa Ballidoogle ay ku egyihiin Buuloburde, markii ay soo degaan Buuloburde, waxaa fududaa doonta inay gaaraan goobaha Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay Shabaab ka joogaan, sidoo kale waxaa yaraa doona khasaaraha dagaalada tooska ah ka soo gaari kara ciidamada qaranka.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in hadda ay aad u raadineyso dowlado hor leh oo ka taageera duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, walow ay hadda taageeraan dhowr dowladood oo Mareykanka iyo Turkiga ay ugu horeeyaan.

Ad
Previous articleShir u Dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada Dalka oo ka Furmay Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleAlshabaab Shiraayay oo Duqayn lala Beegsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here