Home galmudug Kulan Lagu Taageerayo Waxqabadka Dowlada iyo Dhismaha Dekada Hobyo oo Muqdisho Ka...

Kulan Lagu Taageerayo Waxqabadka Dowlada iyo Dhismaha Dekada Hobyo oo Muqdisho Ka socda (Sawiro)

0
SHARE

Magaalada Muqdisho Waxaa Ka socda kulan Weyn oo lagu Taageerayo Waxqabadka Dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo Guulaha Galmudug.

Kulankaan Waxaa Soo qaban Qaabiyay Beel Weynta Habar gidir, Waxaana Lagu Muujinayaa Taageero Ku Aadan waxqadka Dowlada iyo  dhismaha Dekeda Hobyo.

Siyaasiin iyo Waxgarad Halkaa Hadla ka jeediyay ayaa Ku Amaanay Maamulka Galmudug, Howlaha uu ka Wado Deegaanada Galmmudug.

“Kulankaan Waxaa Taageero ugu Muujineenaa Waxqabadka Dowlada iyo Dhismaha Dekeda Wayn ee Hobyo, Waxaana Ku  Faraxsanahay in Dekeda Hobyo ee Galmudug Dib loo dhiso ayay Sheegeen Dadkii Kulankaan Ka Qeyb Galay.

Kulankaan ayaa Ku Soo beegmayaa Xili Magaalada Hoobyo Maalma Ka Hor Ay Gaaraan Wafdi ka socda Dowlada Qadar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here