Home Wararka Maanta Ciidmada ATMIS oo Qof Shacab ah ku Dilay Muqdisho

Ciidmada ATMIS oo Qof Shacab ah ku Dilay Muqdisho

0

Ciidamo ka tirsan kuwa howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa goordhoweyd wiil dhalinyaro ah ku dilay isgoyska Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in askarta ATMIS ay illaa laba xabadood ku dhufatay wiilka dhalinyarada ah, oo kamid ahaa ciyaalka darbi jiifka.

Askartan ayaa markii dilka ay geysteen kadib waxay ciidamada dowladda ee ku sugan koontaroolka laga galo Madaxtooyada ee Ceel-gaabta u diideen gaadiidka ay wataan ciidamada ATMIS inay ka gudbaan halkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilka wiilka dhalinyarada ah uu ka dhashay banaanbax illaa hadda socda, kaasi oo ka dhan ah ciidamada ATMIS oo la sheegay inay si bareer ah u geysteen dilka.

Dadweyne ka careysan dhacdadan ayaa waxay xirteen wadada isgoyska Ceel-gaabta, iyaga oo dhigaya banaanbax ay ku dalbanayaan in cadaalad loo helo dilkaas.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan dhacdadaan maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Inta badan ciidamada kala duwan ee Muqdisho ku sugan ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay bilihii lasoo dhaafay, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Goordhow Gaaray Magaalada Baydhabo(Sawiro)
Next articleAl-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii 2-aad ee weeraray xarunta G/Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here