Home Wararka Maanta 50 Sano kadib Bankigii ugu Horeeyey oo laga Leeyahay Dalka Dibadiisa oo...

50 Sano kadib Bankigii ugu Horeeyey oo laga Leeyahay Dalka Dibadiisa oo Muqdisho laga Furay

0

Bankiga Ziraat Katilim ee Turkiga ayaa laan ka furtay magaalada Muqidsho, isaga oo noqday bankigii ugu horreeyey ee caalamai ah ee dalka ka howl-gala in ka badan 50 sano kadib, waxaa sidaas Axaddii sheegay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Bankiga Dhexe ayaa sheegay in howlgelinta bankigii ugu horreeyey ee shisheeye ee Soomaaliya ay xoojin doonta qeybta maaliyadda ee dalka, ayada oo kordhineysa fursadaha dhaqaale iyo gacancsi ee u dhaxeeya dalka iyo saaxiibadiisa ganacsi.

“Laanta cusub ee Bankiga Ziraat Katilim ee Soomaaliya waxaa la filayaa inay bixiso adeegyo banki oo shirkadeed oo kala duwan oo ay siiso ganacsiyada, hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha horumarinta,” ayuu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku yiri bayaan uu ka soo saaray Muqdisho.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa bishii July 2022 waxa uu siiyay laba ruqsadood oo shaqo laba banki oo caalami ah – Ziraat Katilim Bank iyo Banque Misr ee Masar – kadib hanaan codsi oo ballaaran.

Ziraat Katilim waa banki ay dawladda Turkey leedahay, oo xubin ka ah Kooxda Ziraat Finance Group, oo ka hawlgasha 20 waddan oo kala duwan, lehna 15 shirkadood iyo 27 laamood oo dibadda ah.

“Waan ku faraxsanahay inaan aragno howl-gelinta xarunta Ziraat Katilim ee Muqdisho, tani waxay caddeyn u tahay guulaha laga gaaray dib-u-habeynta waaxda maaliyadda Soomaaliya, taasi oo sare u qaadeysa fursadaha maalgashiga iyo horumarinta,” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Bankiga Dhexe ay weli ka go’an tahay kobcinta dhaqaale loo dhan yahay oo ka hirgala Soomaaliya iyo dhisidda nidaam maaliyadeed oo adag oo xasilloon.

“Waxaan filaynaa in bankiga cusub uu wax badan ku soo kordhiyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, oo uu qayb ka qaato kobaca dhaqaalaheenna.”
Ad
Previous articleKenya oo aad fiisa la’aan ku gali karto
Next articleIsrael oo caqabad lama filaan ah kala kulantay duullaanka ay ku hayso Marinka Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here