Home wararka Dalka Faafaahin dheeraad Ah Dagaal Mar Kale Dib uga Qarxay Gobalka Mudug oo...

Faafaahin dheeraad Ah Dagaal Mar Kale Dib uga Qarxay Gobalka Mudug oo u dhaxeeya..

0
SHARE

Dagaalo ayaa Maanta markale  dib waxa ay ka dhaceyn deegaano ka tirsan Gobolka Mudug,kuwaas oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo dad Shacab ah.

Dagaalkaas oo shalay aroortii hore soo bilaawday,isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa wili socda.

Dadka  xoolo dhaqatada ah iyo  Al Shabaab ayaa Maanta waxa ay markale ku dagaalameen  deegaan lagu Magacaabo Maamiyo,oo u dhow deegaanka Caad oo shalay ay labada dhinac kuwada dagaalameen.

Dagaalkaan ayaa yimid ka Dib Makii Alshabaab ay Soo rigeen in la keeno Dhalinyaro Alshabaab u Dagaalanata..

Shalay dagaalkii ka dhacay deegaanka Caad ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,oo labada dhinac ah,waxaana weli dagaalkaas ka hadlin masuuliyiinta dowlad Goboleedka Galmudug.

Mudug24 Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here