Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Maxkamada Gobalka Banaadir oo Xukuno ku Riday Masuuliyiintii...

War Deg Deg ah: Maxkamada Gobalka Banaadir oo Xukuno ku Riday Masuuliyiintii loo Haystay Xatooyo Xoolo Dad wayne iyo Masuuliyiinta Qaar oo lasii Daayay

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo loo haystay masuq-maasuq, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Raggan oo isugu jiro agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka.

Guddoomiye Saalax Dabaan ayaa ku dhowaaqay xukunka lagu ridday raggan, ayada oo qaarkood lagu waayay dambiga lagu soo eedeeyay.

Mas’uuliyiinta dib loogu celiyay xoriyadooda waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashoo hore ee wasaaradda shaqada.

Halkan hoose ka aqriso xukunka:-

1-Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ahaa agaasimhii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xukumay 1 sano xabsi ah.

2-Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isna lagu xukumay 1 sanno oo xarig ah

3-Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. saddex sanno oo lix bilood oo xarig ah

4-Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu waayay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyadiisa.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xukuno ku ridday:-

1-Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim oo ah maqane, ahaana madax qaybeedka ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 9 sanno oo xarig ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada xafiis dowladeed si joogta ah

2-Cabdiwaaxid Mursal Ibraahim oo maqane ah, ahna shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay dhamaan eedeymihii loo haystay, waxayna maxkamadu u celisay xoriyaddiisa.

3-Cabdullahi Maxamed Cali oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

4-Maxamed Cadde Mukhtaar Cabdiraxmaan oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

Waxaa sidoo kale la xukumay:-

1-Abuukar Maxamed Cali oo ahaa maamulkii xafiiska canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, laanta garoonka Aadan Cadde  ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 8 sanno oo xabsi ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada shaqo dowladeed.

2-Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ahaa qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa dhammaan lagu waayay qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

3- Maxamed Aadan Cabdullaahi, ahna maamulka Bangiga dhexe, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa lagu xukumay 8 bilood oo xarig ah.

“Xukunkan ciddii aan ku qancin waxaa u furan racfaan muddo ku siman inta uu sharcigu tilmaamay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleAlshabaabkii laga Saaray Galmudug oo Isugu Tagay Gobalka GEDO iyo Cabsi Xoogan oo Halkaas ka Taagan
Next articleMasuulkii la sheegay in xilka looga qaaday ‘booqashada Laascaanood’ oo faahfaahin bixiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here