Home galmudug (Akhriso) Galmudug oo Beenisay in Roob Da’ay uu Yahay Afhayeenka Maamulka Galmudug

(Akhriso) Galmudug oo Beenisay in Roob Da’ay uu Yahay Afhayeenka Maamulka Galmudug

0
SHARE

Agaasimka Madaxtooyada Galmudug.
CADEYN

Baryahan dambe waxaa aad iyo aad u soo badatay sheegashada xil waqtigiisii uu horey u dhamaaday balse hadda aan lagu magacawneyn.
Afhayeenkii hore ee Mdaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa had iyo goor wuxuu sheegtaa inuu yahay Afhayeenka Madaxtooyada Galmudug taas oo markii ay suuragali weyday inuu guto xilkiisa uu ku waayey xilkiisa bartamihii bishii labaad ee sanadkan 17/02/2018. Taas oo aan aragno in uu wali sheeganayo xilka Afhayeenka ayaa waxaa halkaan ku cadeynayaa in ay tahay waxba kama jiraan tahay xilka uu sheeganayo Mudane Cabdullaahi Xaashi Faarax (Roob Da’ay).

Waan hubaa in ay tahay fal argagax leh dhibaatada ku dhacday mudane Roob Da’ay ayna ha booneyn in lagula kaco fal sidaas oo kale ah qof bini aadam ah, aad iyo aad ayaana uga xumahay in ay ku dhacdo falkaas Mudane Cabdullaahi.

Waxaa lagama maarmaan ah in lasaxo oraahda masuuliyiinta had iyo goor la taagan Afhayeenka Galmudug balse ay haboontahay in layiraa Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Galmudug.

WQ Agaasimaha madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Adan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here