Home Wararka Somaliya Galmudug Axmed Cabdi Aadan Ciise oo Dhawaan Dilay Taliya Ku Xigeenkii NISA ee...

Axmed Cabdi Aadan Ciise oo Dhawaan Dilay Taliya Ku Xigeenkii NISA ee Galmudug oo Dil Toogasha ah lagu Xukumay

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybta 21-aad ayaa u fariisatay kiiska Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, kaasi oo ku eedeysan dilka Taliye ku-xigeenkii ciidanka NISA ee gobolka Galgaduud iyo Walaashiis

Askariga loo haysto dilka oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Aadan Ciise ayaa intii ay socotay dhageysiga dacwadiisa waxay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 21-aad ay soo bandhitay cadeymo muujinaya in uu ka dambeeyay dilka Taliye ku-xigeenkiisa Ciidanka NISA, Faarax Cumar Geelle (Beyr) iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Sidoo kale Axmed Cabdi ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay inuu ka dambeeyay dilka labada ruux.

Qareenka iyo Abuukaataha oo iyana goobta Maxkamadeynta ka hadlay ayaa dhankooda dalbaday in Askariga lagu xukumo qisaastii Geelle, balse loo fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo.

Ugu dambeyntiina Maxkamada Ciidamada Qalaba Sida ayaa Dil toogasha ah Ku Xukamay Axmed Cabdi Aadan Ciise  oo si bareer ah udilay Taiye Ku Xigeenii NISA ee Gobalka Galgaduud.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya oo Caawa la Kulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad xasan
Next articleSoomaali aroos Dhiganaysay oo lagu dilay toogasho ka dhacday Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here