Home Wararka Somaliya Sawiro: Puntland oo Gaalkacyo ku soo bandhigtay Ciidan kasoo goostay Dowlada

Sawiro: Puntland oo Gaalkacyo ku soo bandhigtay Ciidan kasoo goostay Dowlada

0

)-Saraakiil katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutooyinka Haramcad iyo Goror ayaa lagu soo dhoweeyay Xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay sheegeen in ay Faquuq la kulmeen.

Saraakiishaan ayaa waxaa aqalka madaxtooyada Puntland ee magaalada Galkacyo ku soo dhoweeyey wasiirada wasaaradaha maaliyadda, amniga, Taliyaha Ciidamada daraawiishta, guddoomiyaha gobolka Mudug  ee Puntland iyo saraakiil kale.

Ciidankaan ayaa sheegay inay markii hore si iskood ah uga bexeen Puntland waxna ku soo barteen dalka Turkiga iyagoo gaaraya 140 askari haseyeeshee markii ay dalka ku soo laabteen loola dhaqmay hab aan wanaagsanayn faquuqna lagu sameeyey haseyeeshee ay ka soo bexeen xeryohooda kuna soo laabteen Puntland.

Mas’uuliyiintii ka qayb qaatay soo dhoweynta ciidankaan ayaa waxa ay sheegeen inay dalkooda joogaan isla markaana ay ku biiri doonaan ciidanka Puntland ayna ka heli doonaan xuquuq dhaqaale, mid dallacsiin iyo weliba inay cilmigooda ku hoggaamiyaan ciidanka.

Ad
Previous articleGalmudug oo war kasoo saartay Ciidamo Galmudug ah iyo Saraakiil lagu dhaawacay Bada
Next articleFarmaajo oo Darajadii iyo Xuquuqdii uu lahaa ka xajuubiyay Saadaq Joon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here