Home Wararka Maanta Siyaasiyiintii ugu Saamaynta badnaa oo hal mar iska casilay xisbiga Wadajir

Siyaasiyiintii ugu Saamaynta badnaa oo hal mar iska casilay xisbiga Wadajir

0

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen 19 xubnood oo ka tirsanaa xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu hoggaamiyo ayaa lagu cadeeyey in dhamaantood ay isaga baxeen xisbiga.

Liiskaan waxaa ka soo muuqday siyaasiyiin miisaan leh oo 6-dii sano ee lasoo dhaafay ka soo tirsanaa xisbiga Wadajir.

Xubnaha is-casilay ma sheegin waxa sababay go’aankaan, balse waxay ku gaabsadeen inay jiraan arrimo u gaar ah oo ku khasbay inay gaaraan go’aankaan.

Bayaanka ay soo saareen xubnahaan isaga baxay Xisbiga ayaa lagu baahiyey Pageka Facebook ee Wadajir Party.

Qoraalka ayaa ugu horeyn lagu yiri “Xisbiga Wadajir waxa uu ka mid ahaa axsaabta ugu waaweyen ee dalka. Muddadii uu jiray xisbiga waxuu ku guuleystay ballaarinta iyo baahinta nidaamka axsaabta badan iyo dimuqraadiyeynta dalka. Xisbiga waxuu xarumo ku yeeshay dalka gudahiisa iyo dibadiisa. Sidoo kale, tan iyo markii la aasaasay ee bishii June sanadki 2016, xubunaha iyo taageerayaash xisbiga waxey kor u dhaafeen kumanaan.”

“Xisbiga Wadajir waxuu ku dhisnaa — welina ku dhisanyahay — mabaadii’ iyo afkaar ku saleysan Wadatashi, Wadajir, Is-oggol, iyo Dimuqraadiyad,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xubnaha is calisay ee ku xusan liiskaan ayaa intaas ku sii daray, “Annaga oo ah magacyada hoos ku xusan, waxaan shaacineynaa maanta oo ay taariikhdu tahay 𝟎𝟓/𝟎𝟑/𝟐𝟎𝟐𝟑 in aan iska casilnay xubinimada xisbiga Wadajir duruufo inoo gaar ah awgeed.”

Ugu dambeyntii waxay u mahad celiyeen, “Waxaan u mahad celineynaa dhammaan taageerayaasha xisibiga Wadajir oo duruufo adag u soo dhabar adeegay xilliyo adkaa innaga oo u rajeyneyna guul iyo gobonimo.”

Ad
Previous articleAMIIR Xasan Warsame Cabdiraxmaan iyo Ciidamo uu Wato oo isku soo Dhiibay Ciidamada Galmudug(Sawiro)
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaaal Culus oo saakay Markale Dib uga Qarxay Magaalada Laasacaaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here