Home Wararka Maanta Imaaraadka Qatar Masar Sacuudiga iyo Turkiga oo ka Hadlay Dagaalka Ka Socda...

Imaaraadka Qatar Masar Sacuudiga iyo Turkiga oo ka Hadlay Dagaalka Ka Socda Qasa

0

Imaaraatka Carabta ayaa cambaareysay Is difaaca Shacabka Falastiin, waxayna sheegeen in ay ku gardaran yihiin, iska caabinta ay ku jiraan.

Iiraan ayaa si adag u garab istaagtay Falastiin, waxayna sheegtay in lagu soo duulay oo ay xaq u leeyihiin in ay is difaacaan, ayna taageerayaan.

Qatar, ayaa waxa dhacaya Masuuliyadooda sheegtay in ay leedahay Israaiil, oo aan cid kale la wadaagin ayna tahay in ay xabad joojiso, shacabkana dhulkooda looga baxo.

Masar oo deris la ah Gaza ayaa sheegtay in loo baahan yahay abuurida wada hadal iyo xabad joojin, jidadka gargaarkana kama aysan hadlin maadaama ay xiratay dhankeeda.

Sacuudiga iyo Turkiga ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in wada xaajood la aado, lana abuuro jawigaas, colaadna laga baaqsado.

Dhammaan arrimahan, waxay dhaceen markii uu Mareykanku sheegay in ay lahadleen dalalka Islaamka, gaar ahaana Carabta oo ay kucadaadiyeen in la cambaareeyo dhinacyada Falastiin.

Ad
Previous articleDuqaymo Culus oo lagu Garaacay Alshabaabkii ku Sugnaa Shabeeloow
Next articleDowlada Shiinaha oo Soo Saartay War aysan israail ka Filayn ee Dagaalka Kasocda Qasa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here