Home Wararka Maanta Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo Sheegay in Qoor Qoor Alshabaab la Shaqeeyo

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo Sheegay in Qoor Qoor Alshabaab la Shaqeeyo

0

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Calki Daahir Ciid oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex-qarxay isaga iyo madaxweynaha maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Khilaafkan oo durbo cirka isku shareeray ayaa yimid kadib markii madaxweyne ku xigeenku uu xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Waayeel, kadibna uu wareegto kale soo saaray madaxweyne Qoor Qoor, taas oo lagu buriyay xilka qaadistaasi.

Cali Ciid ayaa ku adkeystay tallaabo uu qaaday, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin wareetada Qoor Qoor, xilkiina sidaas looga qaaday wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

“Shaqo joojintaas waa dhaqan-gashay waxaan farayaa hay’adaha ay khuseyso in aysan la shaqeyn wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xilka qaadistiisu waa dhaqan-gashay, wasiiru dowlaha ayaa ku simaha ah asagaasaana lala shaqeynayaa” ayuu ku jawaabay Cali Ciid.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku eedeeyay wasiirka ay is hayaan inuu gebay shaqadii loo igmaday, sidoo kalena uu xagal daacinayay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Wasiirku waxa uu gebay shaqadiisii ka saarneyd wasaaradda, wuxuu sidoo kale ku milmay xagal daacinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo run ahaantii abaabulkiisu xoog uga socday Galmudug, sidaas daraadeed digniino kala duwan oo aan wasiirka siinay in uu ka tanaasulo kala furfurka ciidamada Macawiisleyda” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenku.

Waxaa uu intaasi ku sii daray in wasiir Cabdi Waayeel uu ku howlanaa ka fur furista ciidamo Macawiisley ah oo lagu diyaarinayay waqooyiga Galgaduud, si ay ugu biiraan dagaalka.

“Dhaqan-gal ma’ahan warqadda madaxweynaha waxay kaliya ay dhaqan-galeysaa haddii ay shirko ku yihiin madaxweynaha iyo wasiirka xagal-daacinta la dagaallanka Al-Shabaab iyo kala furfurka ciidanka Macawiisleyda, dagaalka Soomaaliya ka socda iminka qof allaala qofkii xagal daaciya tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, Cali Ciid ayaa madaxweyne Qoor Qoor iyo wasiir Cabdi Waayeel ku eedeeyay inay wadeen qiyaano qaran, ayna tahay in lala xisaabtamo, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynuhuu haddii uu arrintaan ku raacsan yahay Cabdi Waayeel waa qiyaamo Qaran, waana lagula xisaabtamaa” ayuu mar kale yiri Cali Ciid.,

Si kastaba, waa markii labaad ee uu madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu xilka ka xayuubiyey wasiirka arrimaha gudaha oo beesha Mareexaan ay isla yihiin, waxaana ka dhaxeeya khilaaf soo jireen ah, inkastoo aanan weli la ogaan waxa uu salka ku hayo.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Xamse oo kulan la qaatay Farmaajo Maxay kawada Hadleen?
Next articleHorjooge Olol Cali Guuleed iyo Horjoogayaal kale oo Duqayn ka Dhacday Galmudug lagu laayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here