Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya {SAWIRO}

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya {SAWIRO}

0
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay qorshaha horumarineed ee Galmudug iyo sidii Midowga Yurub usii ballaarin lahaayeen mashaariicda ay ka wadaan Galmudug.
Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya.
Danjiraha ayaa ugu danbeyntii ballanqaaday in ay taageeri doonaan Hay’adaha Dowladda Galmudug asagoona dhinaca kale sheegay in ay ay dhawaan fulin doonaan mashaariic dib udhis loogu sameynayo Kaabayaasha dhaqaale ee Galmudug.
Ad
Previous articleXiritaanka Shirka Wadatashiga Doorashada oo u dhacay khamiista
Next articleMadaxda Maamul Gobaleedyada oo Bilaabay shirar kala duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here