Home Wararka Maanta Darawalkii Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Alshabaab ugalay iyo Gudomiye Maxmed...

Darawalkii Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Alshabaab ugalay iyo Gudomiye Maxmed Mursal oo Ka Hadlay

0

Mid kamid ah darawalada guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isku dhiibay kooxda Al ee ku sugan qeybo kamid ah dalka.

Ninkan oo muddo ka badan afar sanno darawal u ahaa guddoomiyaha golaha shacabka ayaa isku dhiibay kooxda Al Shabaab, waxaana wareysi ninkan kasoo duubeen kooxdaasi uga hadlay sababihii ku kalifay in uu kasoo goosto dhinaca dowladda uu katirsanaa.

Wareysi uu siiyay warbaahinta ayuu ku sheegay in dhibaato badan ku jiray intii uu dowladda u shaqeenayay darawalna u ahaa guddoomiye Mursal, waxa uuna xusay in uu go’aansaday in Al Shabaab isku dhiibo dhankoodana doortay.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal ayaana xaqiijiyay in darawalkiisa isku dhiibay Al Shabaab, waxa uuna sheegay in ninkan muddo badan u ahaa darawal uuna markiisi hore kasoo raacay wasaaradda gaashaandhigga oo lagu baray darawalnimada.

Waxa uu sheegay Maxamed Mursal in uusan garan karin sababta ninkan isugu dhiibay Al Shabaab iyo dhibka ku kalifay, waxa uuna xusay in laamaha ammaanka hadda baaritaano ku wadaan ninkaasi.

”Waan dhageestay codka Xuseen ee isku dhiibay Al Shabaab, ninkan waxa uu kamid ahaa koox darawalnimo lagu barayay wasaaradda gaashaandhigga halkaas ayuuna iga soo raacay, muddo afar sanno ayuuna darawal ii ahaa, isaga oo ila jooga ayaana ogaa , ma aqaan waxa ku kalifay in Al Shabaab isku dhiibo, baaris ayaa hadda socota kaman ahor dhaceyno” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Shaqaale badan oo katirsanaa dowladda ayaana siyabao kala duwan isugu dhiibay kooxda Al Shabaab, waxaana sidaan oo kale Al Shabaab horey ugu biiray agaasimihii hore ee Madaxtooyadda maamulka Hirshabelle.

Ad
Previous articleNabaddoon Xirsi Cali Diirshe oo Muqdisho lagu Dilay iyo Alshabaab oo war kasoo saartay
Next articleCiidamada Dowlada Federalka oo Duullaan ku ah labo deegaan iyo Shacabka oo loogu baaqay in ay ka baxaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here