Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay gudaha...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay gudaha magaalada Adis Ababa

0

Xaalada dalka Itoobiya ayaa u muuqda mid sii xumaanaya oo faraha kasii baxaya muddooyinkan u dambeeyay, waxaana falal amni darro iyo dagaalo sukeeye ka socdaan qaar kamid ah gobolada dalkaasi.

Dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay ka dhacay gudaha magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, dagaalka ayaana u dhaxeeyay xubno katirsan jabhada hubeysan ee Fano iyo ciidamada ammaanka Itoobiya.

Booliiska magaalada Adis Ababa ayaa war ay soo saareen ku shaaciyay in dagaalka dhacay ku dhinteen saddex qof, waxa ayna tilmaameen in dadka dhintay labo kamid ah katirsanaayeen jabhada Fano , halka qofka kalana uu ahaa shacab.

Dagaalka ayey sidoo kale booliiska magaalada Adis Ababa shaaciyeen in ay ku dhaawacmeen labo askari oo katirsanaa ciidamada ammaanka, waxa ayna xuseen in hadda socdaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Jabhada hubeysan ee Fano ayaa inta badan ka howlgasha gobolka Amxaarada Itoobiya, waxa ayna jabhadan dagaal xooggan la gashay ciidamada Federaalka, iyagoona ka saaray ciidamada deegaanno badan oo katirsan gobolkaasi.

Ad
Previous article“Weerar weyn oo degdeg ah ayey Iran ku qaadeysaa Israel” saraakiil Mareykan ah……
Next articleDiblumaasi sare oo Mareykanka ah oo xukun adag lagu riday kaddib dambi culus oo galay Muxuu Sameeyey?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here