Home Wararka Somaliya Puntland Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Xalay Ka Dhacay Magaalada Garowe

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Xalay Ka Dhacay Magaalada Garowe

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Puntland ay ka sameeyeen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo lagu beegsaday koox Cabtooy ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay weerareen kooxdan oo ku howlaneyd ka ganacsiga daroogada noocyadeeda kala duwan.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in kooxdan ay ku howlaneyd falal burcadnim ah iyo amni darro, balse ay soo afjareen.

“Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal ayaa xalay hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo cabtooy ah oo faraha kula jira dambiyo culus oo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada oo qeyb wayn ka ahaa falal burcadnimo iyo Amni daro” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Taliska ayaa ballan qaaday inay ka hortegi doonaan cid kasta oo halis ah ku bulshada deegaanka, ayna sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan gobolka Nugaal.

“Wuxuu howlgalka si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijo wanaagsan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhankiisa taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Cali Marduuf oo ka hadlay howlhgalka ayaa boggaadiyay ciidamada fuliyay, wuxuuna sheegay inay guul ka gaareen.

Sidoo kale wuxuu ammaan u jeediyay shacabka la shaqeeyay ciidamada inta ay ku jireen howlgalka lagu qaaday kooxda Cabtooyda ah.

Puntland ayaa marar badan la dagaalantay kooxo ka ganacsada Khamriga oo ku sugan deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo loo arko inay halis ku yihiin nabad-gelyada.

Ad
Previous articleXildhibaan bistoolad la galay Baarlamaanka iyo dood ka dhalatay
Next articleWaqtii Dowladu u Qabatay Dhulka Dowlada ee Beesha Sacad oo Dhamaaday iyo Xaaf oo Wacad ku Maray inay Dagaalami Doonaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here