Home galmudug Dhagayso Ciidamada Galmudug oo Xabsiga Dhigay Ganacsato Diiday Lacagta Shiin soomaaliga.

Dhagayso Ciidamada Galmudug oo Xabsiga Dhigay Ganacsato Diiday Lacagta Shiin soomaaliga.

0
SHARE

Maamulka Magalada Gaalkacyo ayaa Maanta amar ka soo saarey diidmada lacagta shillinka soomaaliga,iyaga oo Ganacsatada ku amray in aysan diidi Karin lacagta.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa howlgal ciidamada Galmudug ay ka sameeyeen Magalada Gaalkacyo waxa ay soo xir xireyn Ganacsato la sheegay in ay diideen lacagta Shillinka soomaaliga sida ay Dalsan u sheegeen Masuuliyiinta Maamulka Magalada Gaalkacyo.

Duqa degmada gaalkacyo Xersi Yuusuf Barre ayaa sheegay in ciidamo kormeer ku sameynayey qaabka uu u dhaqan galay amarka ay Ganacsatada diidan lacagta Shillinka soomaaliga ay gacanta ku soo dhigeyn tiro Ganacsato ah oo diiday isticmaalka lacagta.

Waxa uu sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in la diido lacagta Shillinka Soomaaliga,isla markaana ay siiwadi doonaan howlgallada lagu beegsanayo Ganacsatada diidan lacagta Shillinka Soomaaliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here