Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor oo Booqday Xerada Daraawiishta Galmudug ee wisil (Sawiro)

Madaxweyne Qoor Qoor oo Booqday Xerada Daraawiishta Galmudug ee wisil (Sawiro)

0

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu kamid yahay wasiir dowlaha amniga Galmudug, ahna kusimaha wasiirka amniga ayaa booqasho ku tagay xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku taalla degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta, isagoona warbixinno ka dhageestay saraakiisha iyo wax garadka degmada Wisil, taas oo ku aadan xaaladda guud ee amniga degmada Wisil iyo deegaanada hoos yimaada halkaas oo lagu jabiyay kooxaha argagixisada.

Dhanka kale madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ku boorriyay ciidamada in ay laba jibaaraan dadaalada kooxaha argagixisada looga sifeenayo Galmudug, loogana hortagayo inay uga gudbaan deegaanada Soomaalida ee dariska la ah Galmudug, sidoo kalana waxa uu carrabka ku adkeeyay in argagixisada loogu tagi doono goobaha ay kasoo duulaan, lagana xorayn doono shacabka ay ku gumaadayaan deeganaada ay haatan ku suganyihiin argagixisadu.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo gaaray Wasil si weyna Loogu soo dhaweeyay (Sawiro)
Next articleSiyaasi mucaarad ku ahaa dowladda Sacuudiga oo lagu dilay dalkale Lubnaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here