Home Wararka Maanta Faahfaahin kasoo Baxaysa Qarax Xalay Xili Danbe Ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faahfaahin kasoo Baxaysa Qarax Xalay Xili Danbe Ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Xalay Abaaro Lix saax oo Habiinimo ayaa Qarax Culus laga Maqlay Xafada Ku Teedsan Degmada Yaaqshiid faahfaahin Dheeri ah ayaana Kasoo Baxaysa Waxaa Uu ahaa Qaraxaas.

Sida Laxaqiijiyay Farmashiye Ku yaala Degmada Yaaqshiid ayaa Ka sheegay in lagu Xiray Qarax farmashiyaha Ayaana Xirnaa Xiliga Ka Qarxinaayay.

Sababta Loo Qarxiyay ayaana Lagu Sheegay inay Tahay kadib Markiii Uu Kaamirada Wax Duubta uu kuloow oo ahaa Ninka Iska leh oo ku Xiray Banaanka Farmashiyihiisa.

Amarkaan ayaana Dhawaan kasoo Baxay Dowlada Soomaaliya Taas oo Guud ahaan Goobaha Ganacsiga Muqdisho ku amartay inay kaamiriiyin ku Xiraan Goobahooda Ganacsiga.

Balse Alshabaab ayaa Durbaba Bilaabay inay Qarxiyaan Goobaha Lagu Xiray Kaamirooyinkaan.

Dowlada Soomaaliya Ayaana Amar ku Bixisay In La xari Doono Goobtii Ganacsi ee ee Maalinka Sabtida aan Lagu xirin Kaamiriyoinka Wax Duuba.

Lama oga inay Dowladu ka  laaban Doonto Amarkaan Madaama Alshabaab Ku Bilaabeen Qaraxyo.

Ad
Previous articleMadixii Alshabaab Deegaanada Nuurdugle iyo Guulane oo Soo Galay Gacanta Ciidamada Dowlada(Sawiro)
Next articleIsraa’iil oo war cusub ka soo saartay heshiiskii shalay la gaartay Xamaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here