Home Wararka Maanta Jeneraal Odawaa oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay xerada Nacnaca

Jeneraal Odawaa oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay xerada Nacnaca

0

Nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa xalay isku qarxiyay afaafka hore ee xerada Nacnaca ee kutaalla degmada Wadajir, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in qaraxa fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo kusoo dhax dhuuntay dhallinyaro xerada loogu xareenayay in ay kamid noqdaan ciidamada Qaranka.

Jeneraal Odawaa Raage ayaa sheegay in qaraxa ku geeriyoodeen 5 ruux  halka ay dhaawacmeen 11 kale oo kale oo dhaawacyadooda lagu daweenayo isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Jeneraal Odawaa in ay socdaan baaritaano ay wadaan saraakiil katirsan ciidamada milatariga  oo ku aadan raad-raacaya iyo xogta qofka is qarxiyay si ay u helaan macluumaadkiisa,

Taliyaha ayaa cadeeyay in aysan joogsan doonin tababarka la siinayo dhallinyarada dooneysa in ay kamid noqdaan Ciidamada qalabka sida ee doonaya in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda.
Xerada Nacnaca ee loo bixiyay Jeneraal Dhagabadan ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah ay fuliyeen rag waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo dhax gelay dhallinyaro ciidan loo tababarayay
Ad
Previous articleWarar Dheeraad ah oo laga helayo Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleMareykanka oo weerar ku Dilay 15 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here