Home Wararka Maanta Muuse Biixi oo sharuud adag ku xiray dhex-dhexaadin QM iyo Ethiopia ee...

Muuse Biixi oo sharuud adag ku xiray dhex-dhexaadin QM iyo Ethiopia ee Laascaanood

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shaaciyay sida kaliya ee xukuumaddiisa ay ku aqbali karto waan-waanta ay billaabeen QM iyo dowladda Ethiopia, taasi oo uu sheegay inay tahay in marka hore lagu saleeyo “in Somaliland dhexdeeda dhibaato ka jirto ay caawinayaan,” midaasi oo ka dhan ah rabitaanka SSC ee midnimada Soomaaliya.

“Cidda nabadda nagala shaqaynaysa ee dawlad ama urur ah ee wanaaggeena doonaysa ee daacad ka ah waannu la kaashanaynaa oo waannu oggolahay, waase in marka hore laga bilaabo inay Somaliland oo dhexdooda dhibaato ka jirto ay caawinayaan,” ayuu yiri

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisa aysan aqbali karin in dagaalka Laascaanood ay qeyb ka noqdaan dhinacyo kale, iyaga oo u abaabulan hab beeleed.

“Waxaanan oggolayn in dadka qaarkii ama qayb kamid ah Soomaaliya oo Puntland ay farogelin iyo dagaal lasoo gasho Sool iyagoo hab qabali ah raacaya, taasina sax ma aha.”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa intaas kadib sheegay in diyaar u yihiin sidii garaadada loola hadli lahaa, iyada oo loo dhego nuglaanayo meel kasta oo ay ku qanacsan yihiin in lagu wada-hadlo.

“Dawladda Itooobiya oo na tidhi aanu wax idinla qabanno waanu oggol nahay laakiin qaabka arrinta lagu gelayaa waa arrin Somaliland dhexdeeda ah, garaaddadana diyaar baanu u nahay inaanu la hadalno, madax-dhaqameedkuna waa iga wakiil wixii ay keenaan ee nabad lagu helayana diyaar baan u ahay.”

Shardigan cusub ee madaxweyne Biixi uu ku hor-gudbay wada-hadal ay la galaan Isimida SSC, si xal looga gaaro dagaalka Laascaanood, ayaa u muuqata mid sii dheeraynaysa in labada dhinac ay miiska wada-hadalka isugu yimaadan.

Ad
Previous articleRuushka oo war ka soo saaray dayuurad uu ka burburiyey Mareykanka
Next articleShirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Ka Furmayo Baydhabo Iyo Puntland Oo Diiday inay kasoo Qaybgalaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here