Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo Maanta kulan la qaatay Wafdi ka socday Urur...

Ra’isul Wasaare Rooble oo Maanta kulan la qaatay Wafdi ka socday Urur Gobaleedka IGAD {Sawiro}

0
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workeneh Gebeyehu kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdisho ka furatay. Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.
Ad
Previous articleSaacado ay xirnaayeen Wadooyinka Muqdisho oo dib Loo furay
Next articleMaxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here