Home Wararka Somaliya Galmudug Sarkaal Ka Tirsanaa Alshabaab oo Ku Wajahnaa Magaalada Gaalkacyo oo Gacanta Lagu...

Sarkaal Ka Tirsanaa Alshabaab oo Ku Wajahnaa Magaalada Gaalkacyo oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ku qabtay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayey inuu si dhuumaalaysi ah ugu safro magaalada Gaalkacyo.

Ninkan Shabaabka ah oo rabay inuu ka dhoof garoonka magaalada Baydhabo, isaga oo kusii jeeday magaalada Gaalkacyo, oo uu doonayay in falal amni darro uu kasoo fuliyo, sida ay sheegeen laamaha amaanka.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdullaahi Jaamac oo kooxda looga yaqaanay Fahad ayaa waxa uu sheegay in Aabihiis uu ku tashkiiliyay ku biirista kooxda Al-Shabaab, xilli uu ku sugna magaalada Gaalkacyo.

Cabdullaahi Jaamac (Fahad) ayaa waxa uu sheegay in uu tababar kusoo qaatay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Baydhabo in madaxda ka sarreysa ay ku amreen in uu tago magaalada Gaalkacyo oo uu ku dhashay si uu falal amni darro uga geysto.

Saraakiisha ciidanka hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkaan maanta la qabtay ay xogtiisa hayeen, ayna muddo ay ku raadjoogeen, islamarkaana hataan ay ku wareejin doonaan hay’adaha garsoorka dalka.

Ciidanka NISA ayaa muddooyinkii kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, la socodka dhaq-dhaqaaqyada kooxda, ayada oo maanta fashiliyay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa ka socda guud ahaan gobollada dalka, iyada oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay deegaano dhawr ah kala wareegeen dagalaamayaasha kooxda, kuwaasi oo sanado badan ay ka talinayeen.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Qaraxyo Culus oo lagu Qaadi lahaa Beerta Nabada Oo La Qabtay(Sawiro)
Next articleP.M Xamsa Cabdi Bare oo weerar Afka ah ku Qaaday Madaxweyne Siciid Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here