Home Wararka Maanta Israa’iil oo ka careysan ninka loo oggolaaday in uu gubo kitaabada Towreedka...

Israa’iil oo ka careysan ninka loo oggolaaday in uu gubo kitaabada Towreedka iyo Baybalka

0

Madaxweynaha Israa’iil ayaa yiri “Anigoo ah madaxweynaha dawladda Israa’iil, waxaan cambaareeyay gubitaanka Quraanka, oo ah mid muqadas u ah Muslimiinta adduunka oo dhan, waxaana hadda aad uga xumaaday in isla qaddarkaas uu sugayo Baybalka Yuhuudda, oo ah kitaabka daa’imka ah ee Yuhuudda,” Isaac Herzog ayaa sidaas ku yiri bayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen ayaa sheegay in uu ugu baaqayo mas’uuliyiinta Sweden in ay ka hortagaan dhacdadan foosha xun oo aysan ogolaan in la gubo kitaabka Tawreed-ka.

Golaha Jaaliyadaha Yuhuuda ee Sweden ayaa ka xumaaday go’aanka booliiska ee lagu fasaxay mudaaharaadka uu dhaco.

Bishii la soo dhaafay, magangelyo doon u dhashay dalka Ciraaq oo Masiixi ahaa ayaa kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubay bannaanka Masjid ku yalla Stockholm, xilli lagu jiray munaasibadda Ciidda Ciidul-Adxa ee ugu weyn Muslimiinta, taasoo dhalisay cambaareyn ballaaran oo Caalamka Islaamka ka dhacday.

Arbacadii, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa si aqlabiyad ah u ansixisay tallaabo ugu baaqaysa waddammada inay wax badan ka qabtaan sidii looga hortagi lahaa nacaybka diimeed ee ka dhashay gubashada Qur’aanka.

Waxa la ansixiyay iyadoo ay diidmo ka muujiyeen waddamada reer galbeedka oo ka baqaya in tillaabooyinka adag ee dowladuhu ku tuman karaan xorriyadda hadalka.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ruto oo ka hadlay Dibad baxa ay qorsheeyeen Mucaaradka Digniin adagna diray
Next articleMaxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here