Home Wararka Maanta Soomaaliya Iyo Maraykanka oo Ka wada Hadlay Sida Loo wajaahaayo Dagaalka alshabaab...

Soomaaliya Iyo Maraykanka oo Ka wada Hadlay Sida Loo wajaahaayo Dagaalka alshabaab ee Dhawan bilaaban doona(Sawiro)

0

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho kula kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay taliyaha cusub ee Africom Gen. Michael Langley, wuxuuna bogaadiyay doorka AFRICOM ee ku aadan horumarinta nabadda iyo amniga gobolka,.

Labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Kulanka waxaa ka qeybgalay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, taliyaha ciidamada lugta, agaasimaha guud ee wasaaradda gaashandhigga iyo la taliyayaal ka socda xafiisyada Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha .

Ad
Previous articleKenya oo Cabsi Xoogan Soo Wajahday Kadib Hanjabadii Alshabaab u Direen
Next articleXasan Shiikh oo Natiijo la.aan kasoo laabtay Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here