Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Wadanka itobiya si uu uga qeyb galo...

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Wadanka itobiya si uu uga qeyb galo Shir looga hadlayo Xaaladda Dalalka Itoobiya & Suudaan

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalaya shir looga hadlayo Xaaladda Dalalka Itoobiya & Suudaan oo Magaalada Kampala Caasimadda Uganda ka qabsoomaya 15-ka November 2021.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in shirkaan uu u dhaxeeyo dalalka dhaca Bariga Afrika ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

15-ka November waxaa magaalada Kampala ka dhici doona shir ay isugu imaanayaan Urur Goboleedka IGAD oo uu ka qaybgeli galayo Madaxweynaheena, waxaa looga hadlayaa Inqilaabkii ka dhacay Suudaan & Xaaladda Itoobiya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa sheegay in Mowqifka Soomaaliya uu yahay in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda u dhaxeysa Ciidanka Federaalka Itoobiya & Xoogagga TPLF oo muddo sanad ah dagaal uu u dhaxeeyo.

Wadahadalka iyo wax isla meel dhigidda ayaa ka wanaagsan in dad aan wax galabsan ay ku dhintaan, in dhaqaalaha & Dalka uu ku burburo, sidaas darteed waxa aan soo jeedineynaa in la wada hadlo” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Uganda ayaa taageertay Xoogagga TPLF, halka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saaxiib dhaw la yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaana la qiyaasi Karin mowqifka Ururka Goboleedka IGAD ka qaadan doono Colaadda Itoobiya.

Ad
Previous articleRa’iisul Wasaare Rooble oo furay Madasha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya {SAWIRO}
Next articleHub Laga keeno Iran oo la Soo galiyo Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here