Home Wararka Maanta In ka badan 5,000 oo haween Ruush ah oo uur leh oo...

In ka badan 5,000 oo haween Ruush ah oo uur leh oo galay Argentina bilihii la soo dhaafay maxay ka doonayaan?

0

In ka badan 5,000 oo haween Ruush ah oo uur leh ayaa galay Argentina bilihii la soo dhaafay, oo uu ka mid yihiin 33 ka mid ah oo hal duulimaad saarnaa maalintii Khamiista, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dumarka ugu dambeeyay ee soo galay dalkan ayaa dhamaantood ku jiray toddobaadyadii ugu dambeeyay ee uurka, sida ay sheegtay wakaaladda socdaalka ee dalkaasi.

Waxaa la rumeysan yahay in haweenku ay doonayaan in carruurtoodu ay ku dhashaan gudaha Argentina si ay u helaan dhalashada Argentina.

Tirada dadka imanaya ayaa kor u kacday dhawaanahan, taas oo warbaahinta maxalliga ah ay ku sheegtay in uu ka dhashay dagaalka Ukraine.

33 ka mid ah haweenka ku yimid caasimadda Argentina hal duulimaad maalintii Khamiista, saddex ka mid ah ayaa loo xiray “qaladaad ku saabsan waraaqahooda”, iyagoo ku biiray saddex kale oo yimid maalintii hore, madaxa hay’adda socdaalka Florencia Carignano ayaa sidan u sheegtay majallada wararka ee La Nacion.

Haweenka Ruushka ayaa markii hore sheegtay in ay Dalxiis ahaan u yimaadeen Argentina, ayay tidhi.

“Xaaladahan waxaa la ogaaday in aysan halkan u imaanin si ay ugu dalxiisaan dalka, iyaga laftooda ayaa qiray.”

Waxay sheegtay in haweenka Ruushku ay doonayeen in carruurtooda ay helaan dhalasho Arjantiin sababtoo ah waxay ku helayaan xorriyad socdaal oo ka badan tan baasaboorka Ruushka.

“Dhibaatada ayaa ah in ay yimaadaan Argentina, caruurtoodana u diiwaan gashadaan muwaadininn kadibna ay ka baxaan dalka. Baasaboorkeena aad buu u ammaansan yahay adduunka oo dhan. Waxa uu u ogolaanayaa [dadka haysta] in ay galaan 171 waddan si bilaash ah,” ayay tiri Ms Carignano.

Haysashada ilmo Argentine ah waxay sidoo kale dedejisaa nidaamka dhalashada ee waalidiinta. Sida ay hadda tahay, Ruushku waxay si bilaash ah ugu safri karaan 87 waddan oo keliya.

Qareenka u doodaya saddexdan haween ee la xiray Khamiistii ayaa sheegay in ay sharci darro ku xiran yihiin, maadaama lagu eedeeyay inay yihiin dalxiisayaal been abuur ah. Kani waa erey “aan ka jirin sharcigeena,” Christian Rubilar ayaa yidhi.

“Haweenkan oo aan dambi gelin, aanan jabin sharciga socdaalka, ayaa si sharci darro looga qaadayaa xoriyadooda,” ayuu raaciyay.

Ad
Previous articleSomaliland oo Puntland ku eedeysay in ay ciidamo keentay aagga Tukaraq
Next articleAlshabaab oo Dagaal Culus Kadib Laga saaray Saldhigwayn oo Ay lahaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here