Home Wararka Maanta Maxay Itoobiya ka tiri go’aankii dowladda Soomaaliya ee qunsuliyadaha Itoobiya?

Maxay Itoobiya ka tiri go’aankii dowladda Soomaaliya ee qunsuliyadaha Itoobiya?

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay dalkeeda ka cayrinayso safiirka Itoobiya, sidoo kalana ay xirtay qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd Jamhuuriyada Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Puntland.

Qunsuliyaddaha la xiray waxay ku yaallaan Garoowe iyo Hargaysa. Sidoo kalana dowladda federalka ayaa u yeeratay safiirkeedi ka joogay Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasararadda arrimaha dibadda Soomaliya

Iyadoo ka jawaabaysa go’aanka Soomaaliya ayaa dowladda Itoobiya ay sheegtay inaysan wax  war ah ka hayn arrintan oo markii ugu horreysay si rasmi ah uu u shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla

Saraakiil sar sare oo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland ayaa sheegay in awaamiirtan aysan ka dhaqan gali doonin deegaanadooda.

Jamhuuriyada Iskeed Madaxbananida ug udhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay inaysan qusayn go’aanka ka soo baxay dowladda Federalka.

Wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland, Rooda Jaamac ayaa BBC-da u sheegtay in xiriirka Itoobiya iyo Somaliland uu yahay mid quseeya labada dhinac ayna xoojinayaan.

“Itoobiya iyo Somaliland waa labada dal oo xirir wanaagsan ka dhaxeeyo, wax lagaga hadlo Xamarna sinaba nooma quseeyaan, qunsuiyada Itoobiya muddo ayey ka furnayd inuu xiriirkeennu sii ballaarto maahee ma yaraanayo,” ayey tiri Rooda.

Dhankooda Puntland ayaa war-saxaafadeed ay xalay soo saareen gaashaanka u daruuray amarka dowladda federalka ee Soomaaliya ku xirtay qunsuliyadda Itoobiya ee Garowe.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa BBC-da u sheegay in dowladda federaalku laashay dastuurkii heshiiska lagu ahaa sidaas darteedna uusan wax sharci ah ka dhaxayn sida uu hadalka u dhigay cid walbana ay maamushao meesha ay joogto.

Caydiid ayaa intaa ku daray in Puntland ay goonnideeda ula macaamili doonto beesha caalamka, xaqna u leedahay inay danaheeda kala xaajooto dariskeeda.

Laba sarkaal oo Soomaali ah ayaa sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters tallaabadan la xiriiriyey khilaafka ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee koowdii bishii Janaayo ee sanadkan Addis Ababa ku kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya kaasoo ay dowladda Soomaaliya aad uga carootay.

Ad
Previous articleSaamaynta Puntland ay Ku Yeelatay Khilaafka Kala dhaxeeya Dowlada Soomaaliya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dowladda oo war kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Balcad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here