Home wararka Dalka Sawiro Xaruunta Talafashinka iyo Raadiyaha Galmudug oo laga dhagax dhigay Caasimada Dhuusomareeb..

Sawiro Xaruunta Talafashinka iyo Raadiyaha Galmudug oo laga dhagax dhigay Caasimada Dhuusomareeb..

0
SHARE

Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug waxaa maanta laga dhagax dhigay wasaarada Warfaafinta Galmudug oo ka kooban Xafiisyada Talafashinka iyo raadiyaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Shaakir ayaa dhagax dhigay Dhismaha Xaruunta ay yeelaneyso wasaarada Warfaafinta.

Madaxda Galmudug ayaana soo dhaweeyay dhismaha xaruuntan iyo taabagalinta talafashinka ay Galmudug yeelatay.

Dhanka kale Waxaa si toos ah hawada u soo galay Talafashinka galmudug Tv kaasi oo bilaabay baahinta Muuqalo tijaabo ah.

Warar ay heleyso M24 ayaa sheegaya in Talafashinka Xaruuntiisa ay hada tahay Dalka ingariiska lakin laga soo wareejinayo.

Mudug24 Dhuusomareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here