Home Wararka caalamka Magaca oo laga badaley mid kamid ah wadamada Yurub oo muran ka...

Magaca oo laga badaley mid kamid ah wadamada Yurub oo muran ka taagnaa..

0
SHARE

Dalalka Gariiga iyo Mecedonia ayaa ugu dambeyn ka heshiiyay murankii ka taagnaa Magaca Mecedonia, waxaana labada wadan ku heshiiyeen in la badelo Magaca dalka Mecedonia .

Gobol katirsan Dalka Gariiga  ayaa lagu magacaabaa Mecedonia , waxa ayna dowlada Gariiga in mudo ah kasoo horjeeda magaca ay qaadatay Dowlada Mecedonia kadib markii ay xor noqotay 25-sano kahor.

Magaca Dalka Macedonia ayaa hada loo bedelay Jamhuuriyada Waqooyiga Macedonia si loo kala saaro oo aysan isugu ekaan magaca gobol ku yaala Gariiga oo lagu magacaabo Macedonia.

Rai’sul wasaaraha dalka Macedonia, Zoran Zaev, ayaa sheegay in ka heshiiyeen dhigiisa dalka Gariiga Magaca la bedelay, waxa uuna xusay in heshiiskan uu yahay mid lagu dhowrayo tusmada dhaqanka iyo qoomiyadaha dalkiisa.

Shacabka dalka Mecedonia ayaa afti u qaadi doona magacan la bedelay, waxaana shacabka xaq u leeyihiin in ay diidaan magacan cusub ee Waqooyiga Mecedinia iyo in ay diidaan.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here