Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Qaybo ka mid ah soomaaliya oo Laga arkay Bisha Ramadaan iyo Dowlada...

Qaybo ka mid ah soomaaliya oo Laga arkay Bisha Ramadaan iyo Dowlada Oo war kasoo saartay

0

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadad federaalka Soomaaliya ayaa war ay goordhaw soo saartay ku shaacisay in bisha Ramadaan laga arkay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in curashada bisha Ramadaan laga arkay dheeganka Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose.

Gobolada Soomaaliya inta badan ayaa beri laga soomayaa, waxaana suurto gal ah in dadka qaar aysan beri soomin iyaga oo sabab uga dhigaya in aysan arkin curshada bisha barakeesan ee Ramadaan.

Waddamo badan oo caalamka katirsan ayaa beri oo sabti ah u tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan, waxaa sidoo kale jira waddamo kale oo iyana sheegay in aan la arkin bisha ayna soomayaan maalinta Axada.

Ad
Previous articleKoonfurgalbeed oo Si adag Uga Hortimid Go.aankii Kasoo Baxay Gudiga Doorashooyinka
Next articleMadaxweyne QoorQoor oo Reer Galmudug Udiray Hambalyo Ku aadan Dhalashada Bisha Ramadaan iyo Qaybo ka Mid ah Galmudug oo Maantay laga Soomanayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here