Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Lloyd Austin oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Lloyd Austin oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

0

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin ayaa Arbacadii xarunta Pentagon-ka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ‘ku ammaanay hoggaamiyaha Soomaaliya horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah.’

“Muddadani waxay si gaar ah muhiim u noqon doontaa marka la eego colaadaha socda – oo ay ku jiraan xasillooni darrada ka jirta Suudaan – iyo khatarta joogtada ah ee al-Shabaab,” ayuu yiri Austin.

“Waxaa igu dhiiri galiyay in aan maqlo guulaha sii socda ee laga gaarayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bartamaha Soomaaliya oo ay hormuud ka tahay Soomaaliya. Iskaashigeenna ku aaddan howlgalladan waa mid muhiim ah, waxaana diyaar u nahay inaan idin garab istaagno sidii aad isaga difaaci lahaydeen xoogagga khatar ah oo rabshado wata.” ayuu u sheegay Austin madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Austin kaalmada iyo taageerada uu Mareykanku Soomaaliya siinayay in ka badan soddon sano.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dowladda Mareykanka kaalmada ay siiso shacabka Soomaaliyeed dagaalka aan kula jirno Al-shabaab,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay Austin.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Xoghayaha Difaaca Mareykanka
Next articleDowladda Soomaaliya oo ka hadashay sababta Axmed Madoobe ay ugu taageertay magacaabista maamulka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here