Home Wararka caalamka Madaxweynaha Mareykanka oo war kasoo saaray Cabsida laga qabay Nukliyeerka Waqooyi Kuuriya..

Madaxweynaha Mareykanka oo war kasoo saaray Cabsida laga qabay Nukliyeerka Waqooyi Kuuriya..

0
SHARE

Madaxweynaha Maraykanka oo dib ugu laabtay Washington waxa uu Twitter-kiisa ku qo difaacay go’aanka lagu joojinayo Carbiska Milliteri ee ay Ciiddankiisa ka sameeyaan Koonfurta Kuurya.

Waxa uu intaasi ku daray inay  lacag badbaadayso haddii aan la qabanin Carbiskaasi.

Donald Trump waxa kale oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay inaysan jiri doonin cabsida Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya, iyadoo Khubarada rumeysan yihiin in ay Waqooyiga Kuurya haystaan 20 ilaa 60 bam Atoomik.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka waxa uu sheegay inta uusan Xilka qabanin inay jirtay cabsi laga qabo dagaal lala galo Waqooyiga Kuurya, isla markaana uu Madaxweynihii ka horreeyey ee Barack Obama sheegay inay Waqooyiga Kuurya tahay mashaakilka ugu weyn ee Qaranka Maraykanka.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here