Home wararka Dalka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo Ka Hadlay Daabicista Lacagta Shilin Soomaaliga

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo Ka Hadlay Daabicista Lacagta Shilin Soomaaliga

0
SHARE

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya  Bashiir Ciise Cali  ayaa ka hadlay lacagtii dhawaan ay dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lasoo daabici doona, si Looga Gudbo Marxaladaha dhanka Lacagta ah ee Soomaaliya ka jira.

 

Waxaa uu sheegay in uu socdo Qorshaha ay dowladda Soomaaliya ay kusoo daabaceyso Lacagtii Shilinka Soomaaliga Taas oo la soo cusuboonaysaayo.

 

“Daabacaadda lacagtaan ayaa waxaa ku bixidoonto lacag dhan $41 milyan oo dollar, kharashkaas markii aan helno ayaan daabicidoonaa” ayuu yiri mudane Bashiir Ciise Cali.

 

Wasiirka maaliyadda Federaalka ayaa Sabtidii shir jaraa’id ku soo bandhigay naqshadda lacagta cusub oo isugu jirta 10,000 iyo 5,000, lacagtan waxaa ay noqon karta midda ugu wanagsan ee ay Soomaaliya yeelato, sida u  xaqiijiyay Bashiir Ciise , guddoomiyaha bangiga dhexe oo wareysi gaar ah siiyay Hiiraan Online.

 

“Si loo helo lacag cusub dowladda waxaa ay u gashay dadaal, waxayna soo martay marxaladdo kala duwan, hadda oo la joogo wajigii u dambeeyay ee daabacadda ayay mareysa, waxaa marka hore la daabici doonna 5,000 iyo 10,000 oo shilin.”ayuu yiri guddoomiyaha bangiga dhexe

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda dhexe iyo dawlad goboleedyada ay heshiis ku gaareen in la dhaqan galiyo lacagtaan oo si toos ah uga hir-gasho dhammaan gobolada dalka Soomaaliya. Waxaana la rajeynayaa ayuu yiri guddoomiyaha in mustaqbalka lagu soo biirindoono 20,000 iyo 50,000 shillin si ay u sahlanaato isticmaalka shillinka Soomaaliga, loogana maarmo isticmaalka $ doolarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here