Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya...

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya si weyna uga mahadceliyay (Sawirro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa kala hadlay xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada arrimaha bini’aadanimada, horumarinta iyo xasillinta deegaannada la xorreeyay.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay sii wadida taakuleynta dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorka ay ka qaataan dowlad dhisidda iyo mashaariicda horumarineed, waxa uuna tilmaamay in deegaannada laga xorreeyey Al shabaab ay maanta u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo in la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Midowga Yurub ayaa taageero dhinacyo kala duwan leh leh siiya dowladda Soomaaliya , waxa ayna marar kala duwan ballanqaadeen in ay kordhinayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya .

Ad
Previous articleGalmudug oo Qabtay Ajaanib Badan oo ka Tirsanaa Alshabaab oo Baxsad ahaa
Next articleQaar ka Mid ah nabadoonadadii Reer Xaaji Saleebaan oo ugoostay Dhanka Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here