Home wararka Dalka Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya oo La Kulmay Taliyaha Xafiiska Howlgalka Midowga Yurub.

Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya oo La Kulmay Taliyaha Xafiiska Howlgalka Midowga Yurub.

0
SHARE

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed “Amar Dambe iyo BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa Kulan Ku yeeshay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

Kulankaan ayaa ka dhacay Xarunta Tababarada Wasaarada Waxaana Kulankaas Diirada Lagu saaray Arimaha Tababarada Ciidamada iyo Sidii loo Qalabeen lahaa.

 

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ugu horeyn ugu Hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya xilka loo magacaabay,iyagoo balanqaaday in ay si dhab ah ula shaqeyn doonaan.

 

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kala hadlay Dar-dargelinta taageerada ay siinayaan ciidanka Xoogga Dalka sida,tababarada,qalabeynta iyo talooyin ku aadan arrimaha ciidamada.

 

BG Pietro Addis oo ah Taliyaha xafiiska Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ammaanay dib u habaynta lagu sameeyey hoggaanada ciidanka Xooga Dalka,wuxuuna u xaqiijiyay Wasiirka in ay ka soo bixi doonaan kaalintooda ku aadan garab istaaga ciidamada.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here