Home wararka Dalka Maxaa ku soo kordhay Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug ee Madaxweyne Xaaf..

Maxaa ku soo kordhay Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug ee Madaxweyne Xaaf..

0
SHARE

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waday in uu soo magacaabo qeyb kamid ah wasiirada Galmudug gaar ahaan qeybta Ahlu-suna oo diyaar aheyd.

Madaxweyne Xaaf ayaana wali ku dhawaawin golahiisa wasiirada waxana wararka la helayo ay sheegayaan in madaxweynaha laga codsaday in uu dib u dhigo qorshaha magacaabida wasiirada.

Sababaha keenay in dib loo dhigo magacaabida golaha wasiirada Galmudug ayaa lagu sheegay madama uu jiro khilaaf ka taagan madaxda Galmudug.

Madaxweynaha Xaaf ayaana la ogeen in uu aqbalay codsiga kaga imaanaya qeebaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda ee ku aadan in khilaafka taagan la dhameeyo.

dhawaan ayaa khilaaf xoogan waxa uu kasoo ifbaxay madaxda Galmudug kadib markii madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Barlamaanka ay dhaliileen heshiiska Galmudug ay la gashay Ahlu-suna.

khilaafka kadib majiro waan waan cad oo muuqata taasi oo ku aadan in lasoo afjaro khilaafka soo ifbaxay kaasi oo durba saameyn ku yeeshay madaxda Galmudug.

Mudug24 Dhuusomareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here