Home Wararka Maanta Dabaq kale oo laga dhisayay magaalada Muqdisho oo Soo Dumay iyo Dhimasho...

Dabaq kale oo laga dhisayay magaalada Muqdisho oo Soo Dumay iyo Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay

0

Guri dabaq ah oo laga dhisayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan laami yaraha Soobe ayaa kusoo dumay shaqaalihii dhisayay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay guriga oo dhismihiisu bilow ahaa ayaa waxaa soo dumay godka hoose ee loo diyaarinayay shubka dabaqa, waxaana xilliga uu dumayay halkaasi ka socday shaqo ay wadeen injineerada iyo shaqaalaha kale ee hooshaasi waday.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay godka kusoo dumay guriga dhismaha ka socday, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale kuwaa oo loola cararay xarun caafimaad oo xaaladooda lagula tacaalayo.

Goobta uu guriga dhismaha ka socday kusoo dumay waxaa gaaray masuuliyiin katirsan maamulka degmada Wadajir iyo ciidamo booliis ah, waxaana socda baaritaano ku aadan sida u dhacay falkan dhimashada sababay.

Ad
Previous articleGolaha wasiirada Soomaaliya oo yeeshay kulan Xasaasi ah oo looga hadlay arrimo xasaasi ah laguna ansixiyay heshiisyo cusub oo ay soo gashay dowladdu
Next articleXildhibaanada Beesha Ceyr oo Booqday Ciidamada Xoreeyey Bulacle(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here