Home Wararka Maanta Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo ka hadlay doorashada Garoowe iyo...

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo ka hadlay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale

0

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo ka hadlay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale oo hore u hakiyeen, ayaa waxay rejo wanaagsan ka muujiyeen in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed iyo amni ee saameynta ku yeeshay saddexdaasi degmo.

Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xal ka gaarista doorashada golaha deegaanka ee saddexda degmo ay ku howlan yihiin wasaaradda arrimaha gudaha iyo odayaasha dhaqanka.

Waxa uu xusay in wada-hadalka arrintaan la xiriira uu meel fiican marayo, islamarkaana maalmaha soo aadan lagu wado in la shaaciyo jadwalka qabsooomidda doorashada saddexdaasi degmo.

“Sidaad la socotid waa innagii hakinnay saddexda degmo sababo farsamo iyo amni oo markaas jiray welina waxaan war ka sugeynaa hay’adaha dowladda ee ay arrimahaas quseyso iyo bahda dhaqanka meel wanaagsan ayayna mareysaa, marka ay soo dhammaato ayaanu shaacin doona xilliga ay deegaannadaas doorashada ka qabsoomeyso,” ayuu guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Saciid.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in hadda aysan jirin caqabad weyn oo hortaan doorashada saddexda degmo, hase yeeshe fursad siinayaan in xal siyaasadeed laga gaaro qabsoomideeda.

“Wax hadda taagaan oo caqabad weyn ah ma jiraan, annaga guddi ahaan wax hadda taagan oo aanu ognahay ma jiraan, laakiin maaddaama ay markii hore u hakatay sababo markaa jiray oo siyaasadeed ama amni marka in sababihii qaab xal ah looga saaro unbaa lagu mashquulsanaa.”

“Annaguna maaddaama aan fursad siineynay intii ku hawlanayd arrimahaas xalliso welina fursaddii baanu weli siineynaa oo warbaan ka sugeynay laakiin wax dhibaato ah oo hadda taagtaagan ma ogi,” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq oo la hadlay BBC.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa 24-kii May ku dhawaaqay in xaalad amni oo soo korodhay darteed loo hakiyay doorashada degmada Garoowe, ee qorshuhu ahaa inay ka qabsoomto doorashadii dhacday 25-kii bishii hore.

Sidoo kale waxa uu xilligaas guddiga hakiyay doorashada dowladaha Hoose ee degmooyinka Dangorayo iyo Godobjiraan, kadib markii uu qiimeyn ku sameeyay xaalka guud ee shaqada doorashada.

Guddiga ayaa waxa uu markaas qiray muhiimada ay leedahay deganaanshaha iyo in wada-hadal lagu xaliyo waxkasta lagu kala duwan yahay oo la xiriira doorashada dowladdaha Hoose ee saddexdaasi degmo.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay socdaan wada-hadallo la xirira arrintan, ayada oo weli ciidamadii hor taagnaa doorashada ay ku sugan yihiin duleedka magaalada Garoowe, kuwaasi oo ka biyo diidan go’aan dhawaan kasoo baxay guddi arrimahaan loo xil-saaray, oo go’aamiyay inay fariisimahooda ku laabtan ciidamadu

Ad
Previous articleMaxakamada Ciidanka Oo xukun adag ku riday Ninkii Daacish Bakaaraha Lacagaha Uga soo aruurin jiray
Next articleDowladda Uganda oo shaacisay tallaabada xigta ee ay qaadayaan kadib weerarkii Buulo Mareer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here