Home wararka Dalka Wadayaasha Moota Bajaajta oo Banaanbax ka dhigay Muqdisho

Wadayaasha Moota Bajaajta oo Banaanbax ka dhigay Muqdisho

0
SHARE

Darawalada Gaadiidka loo yaqaano Mooto Bajaajta ayaa Goor dhaw  waxa ay banaanbax Cabasho ah ka dhigeyn Qaar ka mid ah Wadooyinka Caasmiada Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobaha uu ka dshacay Banaanbaxa ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska km4 ee Magalada Muqdisho,iyagoonaa  Xiray Wadadaasi.

Darawalada ayaa waxa ay ka cabanayaan in Ciidamada Dowladda oo ay sheegen in ay wadooyinka ka xiraan,iyaga oo aan u Hoggaansamin amamrkii Madaxweyne farmaajo ee Maalin ka hor oo ahaa in Shacabka Wadooyinka loo furo.

Mudo Saacad ku dhow ayaa Darawalada Mootooyinka Bajaajka waxa ay xayireen isku-socodka Gaadiidka,iyaga oo Wadada ku jaray Mootooyinkooda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay isgoyska km4 waxa ayna Darawalada mooto Bajaajka ku qancyeen in ay Wadada furan si Bulsahda sooman ay u maraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here